Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (2024)

Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxa baraha bulshada ee lagu wada xiriiro saacadihii lasoo dhaafay aad loogu wadaay sawirka haweeney Soomaali ah oo wadatay xayawaanka eeyga gudaha garoonka diyaarada ee magaalada Muqdisho.

Sawirkan oo aan si sax ah loo aqoonsan wakhtiga la qaaday ayaa dood ka abuuray golaha ay ku wada xiriiraan bulshada Soomaalida oo iyagu qaba doodo kala gedisan oo ku saabsan adeegsiga xayawaanka eeyga iyo nijaas-nimadiisa.

Dadka ugu badan ayaa qaban doodaha la xiriira dhaqan bulsho halka kuwa kala ay soo bandhigeen doodda la xiriira diinta Islaamka, balse bulshada Islaamka ayaa guud ahaan qaba dood isku mid ah oo la xiriirta xayawaankaan.

Islaamku ayaa faraaya in loo naxariisto makhluuqa oo dhan, dhammaan noocyada naxariis-darrada xoolaha ayaana reebban. Balse, in badan oo Muslimiinta kamid ah ayaa muuqda kuwa diidan la tacaamulka eeyaha oo dunida casriga ah siyaaba kala duwan looga adeegsada?

Dunida eeyaha ayaa loola dhaqmaa si ka gedisan sidii loo adeegsan jiray xilliyadii hore, dadka qaar ayaa u adeegsada in ay hagaan, gaar ahaan dadka aragga naafada ka ah, kuwa kale ayaa u adeegsiga dhincayada amniga oo ay si weyn u adeegsadaan laamaha ammaanka, halka dadka qaarna ay u adeegsadaan wehel iyo jaceylka gaarka ah ee ay hayaan xayawaankani.

Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, .

Nadaafadda Iyo Eyga.

Culimada Muslimiinta badankoodu waxay isku raacay in candhuufta eeydu tahay mid aan nadiif ahayn oo walxaha ay taabtaan ee leh candhuufta eyga ay u baahan yihiin in la dhaqo toddoba jeer.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in mid ka mid ah mad-habta Islaamka ee ugu waaweyn (Maaliki) uu tilmaamayo in arrintani aysan ahayn mid la xiriirta arrin nadaafadeed, balse ay tahay hab caqli-gal ah oo looga hortagayo fiditaanka cudurrada.

Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli oo kamid ah culimada Soomaalida oo horay ugu hadlay dhaqashada eyga ayaa sheegay in aanay banaaneyn dhaqashadiisa hadii aanay jirin sabab gaar ah oo kalifeysa.

“Nabigu seddax sababood ayuu sheegay, qofkii seddaxdaa sababood aan u adeegsanna waxaa ay u keeni kartaa dhibaato dhaqashadiisa” ayuu ku nuuxnuuxsaday Sheekhu.

“Nabi Maxamed, Nabadgeyo naxariis korkiisa há ahaatee (NNKH) waxaa uu fasax seddax asbaab oo kala ah, ugaarsiga, ilaalada beeraha iyo midka xoolaha ilaaliya” wixii intaa kasoo harana ma banana ayuu sharxay Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli.

Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eeyaha leh shaqooyinka Gaarka ah

Marka laga yimaado dooddaha la xiriira arrimaha Islaamka, dunida casriga ayaa siyaabo kala duwan u adeegsada eeyaha.

Eeyaha ayaa qabta shaqooyin gaar ah oo aadanuhu u baahan yahay, haddii ay noqdan kuwa caafimaad illaa kuwo amni.

  • Sida shaashada Telefishinka guriga kuu yaal uu kuu basaaso

  • Sida Gabdhaha Soomaalida kubadda Kolayga uga faa'iidday dhulgariirkii Morooko

  • Yaa Soomaali ah maxaase laga beddeley kaarka aqoonsiga ee hadda la daahfuray

Eeyaha wax uriya

Eeydu ayaa iyaga oo ka qeyb qaadanaaya dadaallada goobidda meelaha ay masiibooyinka ka dhacaan aadanaha caawinaayay kumanaan sano.

Meelaha ugu badan ee loo adeegsado ayaa waxaa ka mid ah dhulgariirka, dadka buuraha barafka ku dumeen iyo xitaa goobaha colaadaha ay ka dhaceen oo loo adeegsada raadin dadka la la’yahay.

Waayahaan dambe eyda wax raadisa ayaa meelo fog si xawli sare ah wax ugu urin kara, halka qaarkoodna ay urintoodu gaari karto ilaa 500 mitir.

Eeyaha samata bixinta ayaa badanaa garab siiya booliiska ama kooxaha samata bixiyeyaasha xaaladaha musiibada si ay gacan uga geystaan helista dadka maqan.

Eeyaha Amniga

Baahiyaha amniga, ee dunida ayaa sidoo kale xoojiya adeegsiga eeyaha iyada oo loo arko in uu yahay xayawaan dadku ay aamisan yihiin daacadnimadiisa, shirkada iyo dadyow kala duwan ayaana u adeegsada ilaalada kuwa ay jecel yihiin iyo hantidooda.

Eeyaha amniga ayaa kamid ah kuwa ugu qaalisan dunida, iyaga oo hadba lagu qiimeeyo heerka tababarka eyga ee loo carbiyay.

Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (4)

Eeyaha Caafimaadka

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay eeyaha loo adeegsado caddaynta dembiyada ama goobaha musiibada ka dhacday, laakin waxaa jirta xirfad kale oo muhiim ah oo eeyuhu leeyihiin.

Eeyaha ka jawaaba suuxdinta ayaa loo tababaray inay taageeraan qofka qaba cudurka suuxdinta ama qalalka, eeyahaan ayaa caawin kara qofka marka uu la kulmo xaaladan oo kale.

Eeyahan ayaana u tababaran sidii ay ugu taageeri lahaayeen qofka, iyaga oo qaban karo shaqooyinka sida in ay ka ilaaliyaan qofka gawaarida ama hadii uu qofku ku dhaco goob banaan, in ay qaab badqabta ugu jiidaan goob ammaan ah iyaga oo ka ilaalinaaya dhaawac soo gaara iyo in ay xitaa fariin u diraan dhaqtarka si loo caawiya qofka.

Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eyda Leh baasaboorka

Wadamada qaar dunida ayaa soo rogay xeerar dhigaya in qofka leh eyga ay waajib tahay in uu u sameeyo aqoonsi gaar, taasi oo u sahli karta in qofku si waafaqsan shuruucda socdaalka ee dalalkaasi uu ula safro eygiisa.

Horaantii sanadkaan, milkiilayaasha eeyaha ee magaalada Béziers ee dalka Faransiiska ayaa lagu soo rogay xannibaadyo cusub oo qasab ugu dhigeysa in eeyaha loo sameeyo baasaboorka, xitaa marka ay u kala safrayaan qaybo ka mid ah bartamaha wadanka.

Baasaboorka eeyga ayaa ah dukumeenti cadeynaya DNA-da eeyga iyo macluumaad kale .

Tallaabooyin la mid ah waxaa lagu soo rogay mulkiilayaasha magaalooyinka kale, oo ay ku jiraan Tel Aviv, Israa'iil iyo magaalada Valencia ee wadanka Spain.

Waa kuwee eeyaha dadka caawiya, sidee bayse u caawiyaan - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Lidia Grady

Last Updated:

Views: 6309

Rating: 4.4 / 5 (45 voted)

Reviews: 92% of readers found this page helpful

Author information

Name: Lidia Grady

Birthday: 1992-01-22

Address: Suite 493 356 Dale Fall, New Wanda, RI 52485

Phone: +29914464387516

Job: Customer Engineer

Hobby: Cryptography, Writing, Dowsing, Stand-up comedy, Calligraphy, Web surfing, Ghost hunting

Introduction: My name is Lidia Grady, I am a thankful, fine, glamorous, lucky, lively, pleasant, shiny person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.